Toban qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay degmada Banisa ee ismaamulka Mandeera

Khamiis: DECEMBER 22, 2022

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku billowday dil hal ruux ah balse aarsni aano kadib uu ballaartay. Isku dhacyadan ayaa ku so beegmay xilli abaaro ay ka jiraan degamada gobolka waqoyi bari.

Odayaasha deegaanka ayaa ku baxay dagaalka si xal looga gaaro isku dhaca labad reerood oo soo noq noqday.

Ugaas Cismaan Raqiso oo ka mida odayaasha ku guda jira xal ka gaarida isku dhacan ayaa ka war bixiyay xaaladda rasmi ah ee haatan waxa uuna u warramay wariyaha BBC-da Ahmed Badar.

Office Nairobi Kenya