Shariif Sheikh, C.wali gaas, Xasan Cali Khayre, Cumar C.rashiid Cabdikariim Guuleed oo maamulka Somaliland ugu baaqay inuu joojiyo daadinta dhiigga shacabka Laascaanood.

Sabti: December 31  2022 

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, Raysal wasaareyaal hore C.wali Cali gaas, Xasan Cali Khayre, Cumar C.rashiid Cali Sharma’arke, Iyo Madaxwaynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay inuu joojiyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Laascaanood.

“Maamulka Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan, Xaquuqda, Badqabka, Sharafta iyo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed”.

Waxaanu si wadajir ah uga xunahay dhibaatooyinka Iyo Rabshadaha dhiigu ku daatay ee maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Office Nairobi Kenya