Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisa dib u cagaareynta Soomaaliya

 Isniin: January 2023

Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (UPEACE) ay dowladda ugu deeqday in ka badan 6,000 oo geed, waana qeybtii ugu horeysay boqol kun oo geed oo ay jaamacadda balanqaaday in ay ku taageerto hindisa cagaareynta dalka ee uu daahfuray Madaxweyne Xassan Sheikh.

Dhirtan ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana lagu beeri doonaa magaalada Muqdisho.

Jaamacadda UPEACE waxay noqotay hay’addii ugu horeeyey ee ka jawaaba hindisaha Madaxweynaha.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore (2022), Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu daah-furay Hindisaha Dib-u-cagaareynta Qaranka. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan Soomaaliya si looga hortago xaalufka dhirta, waxna looga qabto saameynta ba’an ee isbadelka cimiladda, iyadoo ay haatn jiraan abaaro ba’an

“Ujeedada koowaad ee Jaamacadda UPEACE waxay tahay horumarinta nabadda iyo wax ka qabashada colaadaha, saameynta isbadelka cimiladda  kuwaasi oo sabab u noqda  colaadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatada, sababtoo ah biyaha iyo daaqa oo yar,” ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf, madaxa UPEACE oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo dhirta loogu wareejiyey wasaaradda degaanka.

Office Nairobi Kenya