Madaxweyne Xasan shekh oo Wasiirkii hore Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur Xilsare U Magacaabay

Sabti: January 7 2023 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

.

Office Nairobi Kenya