Mdaxweyne xasan sheikh oo saakay ku wajahan magaalada baydhabo

.

Isniin:  January 16 2023

Wararka ka imaanaya Villa Somaliya ayaa sheegaya in in saakay uu ku wajahan yahay magaalada baydhabo, Madaxweynaha Somaliya Xasan shekh.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas uu uga qeyb gali doono Xasan shekh, shir loo furayo siyaasiyiinta Konfur galbeed oo qilaaf xoogan uu u dhaxeeyay 5 Sano ee la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas uu ka Qeyb galayo Wasiirka Diinta iyo awqaafta shekh muqtaar Roobow oo 5 sano ka hor laga soo xiray magaalada baydhabo asaga oo musharax madaxweyne ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka afhayeenka madaxtooyada iyo Xubno kale ayaa ku sugan baydhabo, si ay u soo dhaweeyaan madaxweyne Xasan.

Office Nairobi Kenya