McCarthy oo xubno ay ku jirto Ilhaan Cumar ka saaraya guddiyada Congress-ka Maraykanka

Khamiis January 26 2023 

Kevin McCarthy, Afhayeenka Jamhuuriga ah ee Aqalka Hoose ee Congress-ka Marykanka ayaa toddobaadkan sheegay inuu saddex xildhibaan oo dimoqraadi ah ka hor-istaagi doono ka mid noqoshada guddiyada sirdoonka iyo arrimaha dibedda.

Saddexdan xildhibaan oo kale ah, Adam Schiff, Eric Swalwell iyo Ilhan Cumar ayaa go’aanka afhayeenka ku tilmaamay mid laga xumaado.

Xubnaha Aqalka Congaress-ka ee dalka Maraykanka ayaa isweydaarsaday haddallo kulkul oo ku aadan go’aanka McCarthy, iyadoo go’aankan uu imanayo laba sano kadib markii Dimuqraadiyiintu ay laba xubnood oo Jamhuuriya ka saareen guddiyo.

Office Nairobi Kenya