Miisaaniyadda dowladda oo markii ugu horreysay gaartay $1 bilyan

MUQDISHO — Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay sanad miisaaniyadeedka cusub ee dalka, kaas oo markii ugu horreysay gaaray in ka badan hal bilyan oo dollar.

Soomaaliya ayaa dhowaan laga cafiyay lacago deyn ah oo gaaraya balaayiin dollar, hase ahaatee wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in lagu dadaalayo sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda waddanka oo hadda inta badan ku tiirsan lacago kab ah oo deeq ahaan uu caalamka ku taageero.

Wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan kasoo diray Muqdisho.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.