Xoghayaha guud ee QM oo wada-hadal ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya

NEW YORK — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axaddii ku booriyay Soomaliya iyo Ethiopian inay wada hadal ku xaliyaan muranka ka dhex oogan labada waddan ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradkii badda ee ay Ethiopia laga gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.

Taa beddelkeed, Somaliland — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Warbixintan waxaa diyaariyey Maxamed Colaad Xassan.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.