Cutubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka oo ka qeybgalaya dhoolatus Ciidan oo caalami ah

Muqdisho — Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowlada Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Saraakiisha Ciidanka XDS ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalka.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.