Madaxii sirdoonka ciidamada Israel oo is-casilay

TEL AVIV — 

Milatariga Israel ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in uu is casilayo madaxa agaasinka sirdoonka ee ciidanka Israel.

Iscasilaadda ayaa daba socota fashilka ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October ay ku qaaday Israel.

Major General Aharon Haliva ayaa si cad u qaatay mas’uuliyadda fashilka dhanka sirdoonka ah ee sababay weerarka ay Israel ku sheegtay in Xamaas ay ku dileen 1,200 oo qof, ayna qafaasheen ilaa 250 qof.

Warbixintan waxaa inoo haya Xuseen Barre.

Xigasho: VOA

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.