Doorasha QOF iyo COD iyo mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah u jeediyay dadka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka, isaga oo ku adkeystay inuu qabanyayo qof iy cod.

Madaxweynaha ayaa si faah-faahsan uga hadlay hannaanka doorasho ee dalka, wuxuuna sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne, isla markaana ay muhiim tahay in shacabka ay soo doortaan hoggaankooda.

“Dalka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ayuu galayaa ka noqosho malahan dib uga dhicid iyo ka tanaasulid malahan, dadka soomaaliyeed ayaa codeynaya intii la gaari karo, waxaan rabnaa in dhowr malyan oo Soomaali ah inay codeeyaan oo ay doortaan golaha deegaanka amaba xildhibaanada baarlamaanka, waa suurtogal inay dhowr malyan ay codeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Horaan u sheegay nin xoog badan dalkan kama talin karo, sharci xoog badan baa ka talin karo, shuruucda aan hagaajinno oo aan ku kolsoonaano”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in dalka uu gaaray guullo waa wayn, isla markaana horumar laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhaqaalaha dalka.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.