Qorshaha xal u helidda Barakacayaasha ee Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan  Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa shir-guddoomiyay Madasha daneeyayaasha Caalamiga oo lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Waddooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay Geneva.

Madashan oo ay soo agaasimeen Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka  iyo Xafiiska Gaarka ah ee Xal-u-helidda Barakaca ee Qaramada Midoobay, waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka socday in ka badan 20 dal, hay’ado caalami ah iyo bangiyada horumarinta.

Wasiirka khudbad uu ka jeediyey furitaan shirka wuxuu ku tilmaamay muhiimada ay leedahay helidda xal waara ee barakacayaasha, isagoo xusay in Soomaaliya ay qorsheynayso in mudda 2 sano ah xal waara loogu helo 1 milyan oo barakacayaal ah, taasoo u baahan iskaashi iyo maalgelin.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.