Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka Booliska iyo Safaaradda oo Dawladda Turkiga masuul uga ah taageerada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida dhinacyada tababarrada, taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda.

Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa safiirka kala hadlay dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Booliska Soomaaliya.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.