Gudoomiye Adan Madoobe oo la kulmay Amb. Mike Nithavrianakis

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Mike Nithavrianakis, waxaana safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay dhambaal uu kaga waday Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi Ingiriiska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalla Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safiirka warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee wadanka, waxaana ugu dambeyn labada dhinac isku raaceen dardar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.