Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Moqokori Hiiraan

Moqokori – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasibu tagay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ciribtirka Khawaarijta, waxaana uu la kulmayaa saraakiisha iyo madaxda hoggaaminaysa hawlgalka.

Madaxweynaha Qaranka ayaa sidoo kale maanta tagay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe oo ka mid ah talisyada laga hoggaamiyo hawlgalada lagula dagaalamayo Khawaarijta.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.