Somaliland, oo war cusub kasoo saartay, Baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho, August 4, 2016: Xukuumadda Somaliland ayaa shalay  mamnuucay Baasaboorka Somalia ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray Somaliland in aan Garoomada lagaga dhoofi Karin, isla markaana aan lagu soo gali Karin.

Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay in deegaanada maamulka Somaliland lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliya waxayna sheegeen in aysan arintaasi ogolaan doonin.

Maxamed Saxardiid, taliyaha Laanta socdaalka Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in ay jiraan wararka sheegaya in Baasaboorka Soomaaliga lagu sameeyo deegaanada maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay in baasaboorkaasi uu la mid yahay baasaboorada kale ee aduunka.

Saxardiid ayaa uga digay muwaadiniinta Somaliland in ay Baasaboorka Soomaaliga u isticmaalaan sida baasaboorka Somaliland oo kale, qofki lagu helana, la ciqaabi-doono.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *