Muxuu ka dhaxlay, maxayse ka dhaxleen?
Toronto | QOL | October 21, 2014 | Taariikhda Soomaaliya markaan dib u raacno, xilligi gumeystuhu wadanka ka talinaayay waxay ogaadeen in dadka somalida ah aysan la mid aheyn qowmiyadihii ama dalalkii kale ay gumeysanayeen kuwaasoo ay u fududeeyd iney si dhaqso ah u dhexgalaan iyagoo ka soo maray dhinaca diinta oo ay isaga dhowaayeen, laakiin waqti kuma qaadan iney somalida dhaqankeeda darsaan, taasoo meesha ka bixisay cabsidii ay ka qabeen in somalidu tahay ummad muslin ah, waxay ogaadeen in dadka somalida ah aysan aheyn dad wax wadaagi kara inkastoo ay isku meel ka soo jeedaan isku dhaqan yihiin iskuna af iyo diin yihiin, laakiin uu jiro naceyb iyaga dhexyaala oo qolaba qolada kale ay u qabto colaad aan dhoweyn kuna saleeysan degaan iyo qabiil, waxay bilaabeen ineey qortaan shaqaale guryohooda uga shaqeeya ayna isku dayeen ineey luqadooda baraan kana xushaan rag karaani uga noqda xafiisyadooda.
- Waqooyi Galbeed
- Waqooyi Bari
- Bari
- Mudug
- Hiiraan
- Banaadir
- Jubbada Sare
- Jubbada Hoose
Marka hore inaaneey marnaba suurto gelin waxa la yiraahdo laba wadan oo isku darsamay ee Koonfur iyo waqooyi.Marka xigana uu qabiilo ku abaalmariyo Gobollo uu u sameeyo si uu xukunkiisu ugu adkaado taageero badana kaga helo.
Wuxuu ku bilaabay in Gobolkii Waqooyi Galbeed uu ka dhex saaray gobol uu ugu magac daray Awdal.
Gobolkii Waqooyi Barina u kala saaray Togdheer, Sool & Sanaag, islamarkaana uu Togdheer ku daray Buuhoodle si aaneey reer Togdheer u noqon isku DNA una ogaadaan weligood in lala degan yahay, halka uu Sool u daayay beelo isku heyb ah, islamarkaana Sanaag uu ka dhigay Gobol la isla dego.

