Madaxweyne Guuleed oo xilka ka qaaday Wasiir ka tirsan Galmudug

Cadaado – January 13, 2017 – Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha mamaulkaasi Mudane Jaamac Xasan Salaad.

Wasiirka Xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay xil gudasaho la’aan iyo in uusan kasoo qeyb galin shirarka ay magaalada Cadaado ku yeeshaan Golaha Wasiirada maamulkaasi, sida lagu sheegay Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Guuleed.

Xilka qaadista uu sameeyay Madaxweyne Guuleed ayaa imaaneysa xili dhawaan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ay dhanooda sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen Guuleed.

Wareegtada-madaxweynaha-Galmudug

.

.

__________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *