Wasiirkii Galmudug ee Xilka laga qaaday oo Guuleed ku tilmaamay inuu yahay Neef la gowracay!

Muqdisho – January 14, 2017 – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xilka ka qaaday wasiirka arimaha Gudaha Maamulkaasi Jaamac Xasan Salaad, Kadib markii uu soo dhoweeyay Xilka Qaadistii Baarlamaanku ay ku sameeyeen Madaxawyne Guuleed.

Taasi ayaa loo tirinayaa in ay soo dadajisay xilka qaadista Wasiirka arimaha gudaha Galmudug.

”Waxay xil ka qaadista la igu sameeyay ku timid markii ay Golaha Wasiiradu soo dhoweeyeen Xilka qaadistii Guuleed” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka arimaha Gudaha Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadista uu guuleed ku sameeyay wuxuuna sheegay in Cabdikariin Xuseen guuleed uusan laftiisu xil hayn oo baarlamaanku ay kalsoonidii kala laabteen.

Wasiirka oo caro ka muutaqay hadalkiisa ayaa yiri, ”Soomaalidu waxay tiraahdaa, Neef La gowracay Rafasho kama Laabto, Cabdikariim Guuleed waa dhacay, Golihii Wasiiradu way dhaceen, Wax uu magacaabi Karo ma Jirto, Cid uu xil ka qaadi Karo ma Jirto”.

.

.

__________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *