Doorashadii guddoonka Aqalka sare oo la soo gabagabeyay

Muqdisho |January 22,2017 – Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay doorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kaddib markii xildhibaanno ka kooban 52 labo xubnood kala saareen 16 musharax oo u tartamayay guddoonka sare.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka aqalka labaad oo goor dhaw la soo gabagabeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Mowliid Xusseen Guhaad oo helay 28 cod, halka musharixiin la tartamayay Cabdikaafi Macalin Xassan uu hellay 24 cod.

Siddoo kale, waxaa maanta la doortay Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo noqday guddoomiyaha aqalka sare, halka ku-xigeenkiisa koowaad loo doortay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari).

Labada aqal ee kala ah gollaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la filayaa in ay yeeshaan fadhi wada jir ah oo ay uga arinsan doonaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid siweyn isha loogu wada hayo.

.

.

.

.__________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *