Qarax kadhacay Dekadda Kismaayo

Kismaayo | September 17, 2015 |  Qarax xoogan ayaa la sheegay inuu kadhacay dekadda weyn ee magaalada Kismaayo ee xarunta maamuka Jubbaland.

Ilo wareedyo kudhow halka uu qaraxa kadhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u weyn oo laga maqlayay daafaha magaalada Kismaayo, iyagoo intaas ku daray in qaraxaas ay ku dhinteen inta la’og yahay ilaa 3 askari in kabadan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay mar ay ciidamada amaanka gobolka ay mushaaro u qeybinayeen shaqaalaha ka shaqeeya dekada iyo kuwo kale.

Ururka AlShabab ayaa sheegtay inay ka danbeeyeen qaraxan.

Wixii soo kordhana kala soco Qaranimo Online.

 

 

.

___________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *