Odoyaasha dhaqanka oo wacad ku marey hadii ay xildhibaanadu ansixin waayaan in ay…

Muqdisho | Maarso 28, 2017 – Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ergooyinkii soo doortay xildhimaanada ayaa wacad ku marey hadii ay xildhibaanadu xukuumada ansixin waayaan in ay dhagax iyo shaafto kala daalayaan.

Kulankaan ay iskuugu yimaadeen madaxda Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid ay ku sagootinayeen xukuumadii hore isla markaana ay ku soo dhaweynayeen xukuumada cusub ee raiisaal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Salaadiinta ayaa golaha shacabka iyo gudoonka baarlamanka uga digay inay iyagu sabab u noqon in ay dhibaato dhacdo ayna quuldareeyaan xaalada adag ee dalku ku jiro

Ugu danbeyntii gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shirka soo gunaanada wuxuuna xukuumada u rajeeyey in ay codka kalsoonida Baarlamanaka ka heli doonto.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *