Gawaari lagu kontoroolaya Xaduuda Dalka oo ku shaqeeya dhiiga dadka ayaa manta lagu warejiyay Agaasimaha HSJ

Kismaayo | April 3, 2017 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi ayaa manta magaalada Kismaayo kula wareegay Gawaari  luugu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha Dalka.

Gawaridaan ayaa ah kuwo  Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray waxaana ay gawaaridaan sheegayaan in la ogaado hadii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay gudban Xaduudaha waxaana ay gawaaridaan sahlayaan in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada  ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.

Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaana manta wixii ka dambeeya meesha ka baxday in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa.

HSJ-wareejin-gawaari-7 HSJ-wareejin-gawaari-6 HSJ-wareejin-gawaari-5 HSJ-wareejin-gawaari-4 HSJ-wareejin-gawaari-3 HSJ-wareejin-gawaari-2 HSJ-wareejin-gawaari-1 HSJ-wareejin-gawaari-8 HSJ-wareejin-gawaari-9

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *