DHAGAYSO:-Madxweene Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Shaqa Abuur Loosamaynayo Dhalinyarad Soomaaliyeed

Muqdisho | April 13, 2017 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in ay shaqo abuur u sameyn doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed, si looga faa’ideysto kheyraadka kala duwan ee dalka ku jira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya lagu casuumayo maalgeliyaal caalami ah, si ay u maalgashadaan, islamarkaana sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur ay ugu sameeyaan.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda in ay sameyn doonto qorshe lagu xakameynayo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

HALKAN ka dhagayso

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *