DAAWO SAWIRAD:-Gudoomiyaha G/Banaadir Oo Maanta Siwayn Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho | April 13, 2017 –Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Taabit 6-dii Bishan ayaa Madaxweynaha Somaliya wuxuu u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, xilli Taabit uu ku sugnaa dalka Mareykanka.

Masuuliyii ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Shaqaalaha dowladda hoose, ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir.

Taabit Cabdi Maxamed oo si kooban Saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo gaaritaanka Magaalada Muqdisho.

Taabit wuxuu saaka ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, isaga oo ka yimid dalka Mareykanka oo uu ka dhamaaday.

1

3

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *