13 ruux oo 24-kii Saac ee lasoo dhaafay Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Deegaanka Dalandoole ee Gobolka Baay

Muqdisho | April 14, 2017 –Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dalandoole oo kuyaalla duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Cudurka Shuban Biyoodka uu ka dillaacay halkaasi.
24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Cudurka Shuban Biyoodka deegaanka Dalandoole ee Gobolka Baay ugu dhintay 13 ruux,waxaana lasoo sheegayaa iney Cudurka la ildaran yihiin dad u badan Carruur aad u da’yar.
Bukaano gaaraya 30 qof ayaa lasoo sheegayaa inuu soo ritay Cudurka kuwaasoo hada lagu dabiibayo Xarumaha Caafimaadka,Abaarta ka jirta dalka ayaa waxaa ka dhashay Cuduro kala duwan oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *