DHAGAYSO:- Musharaxiin dhowr ah oo kuwajahan xarunta KMG ee maamul gobaleedka Galmudug

Muqdisho | QOL | Abriil 26, 2017 – Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta in ay gaaraan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Galmudug.

HALKAN KA DHAGAYSO

Xildhibaan Cabdiqaadir Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa Q.O.L u sheegay in Musharaxiinta ay maanta tagi doonaan Magaalada Cadaado.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay.

30-ka Bishaan ayaa lagu Waddaa Magaalada Cadaado in lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *