Xildhibaan Dalxa oo la dhacsan Go’aanka Guddoonka Baarlamaanka

 

Dalxa-620x264Muqdisho, 26 September 2015: Maxamed Cumar Dalxa oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay go’aankii Guddoonka Barlamanka Federaalka uu kasoo saaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha Dalka.

Xildhibaanka oo waraysi siiyay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in uu si diiran u soo dhawaynayo hakinta Mooshinkii qaarka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ay ka wadeen Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

“ Hakinta Mooshinkaan Waxa uu waxbadan ka badalidoonaa  xaaladdii baryahaan Murugsanayd ee ka jirtay hay’adaha Dowladda gaar Ahaan Baarlamaanka  Annaga oo dhiirigalinayno waajibaadka  shaqo ee Dowladda iyo la xisaabtanka Barlamaanka ayaan Radio Muqdisho si Buuxda waxaan u taageernay  innaga oo ka eegayna Danta Guud iyo Maslaxiyadda Shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Guddoonka baarlamaanka ayaa soo saaray Go’aan lagu joojiyay Arrimaha mooshinka Madaxweynaha jamhuuriyadda taas oo ay dhawaan soo gudbiyeen Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *