Amaanka Deegaanada Uu ka Arimyo Maamulka Putland Oo La Xaqiijiyey

BOOSAASO | QOL | May 27, 2017 –Maamulka Puntland ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka guud ee degaanada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in qorshayaal Cusub oo la Xiriira sugidda amaanka ay diyaariyeen isla markaana Ciidamo fara badan la geeyay Wadooyinka iyo Iskoosyadda Waa Weyn ee Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in Ciidamo dheeraad ah la geeyay Wadooyinka iyo Xarumaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada amaanka ay howlgalo joogta ah ka sameynaya kuwaasi oo loogu hortagayo in la furo Maqaayadaha laga cunteeyo inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa shacabka ka dalbaday iney si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada amaanka oo ay Macluumaadka la soo wadaagaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | BOOSAASO

______________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *