Madaxweyne Farmaajo oo komeerray taliska 43-aad xoogga dalka ee Kismaayo

Kismaayo | QOL | June 6, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, isaga oo u kuur galaya xaaladaha amni iyo nololeed ee dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu so dhaweeyay garoonka diyaaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa uga sii gudbay Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Wafdiga uu Madaxweynaha hoggaaminayay oo isugu jira wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo.

farmaajo-booqday-cidanka-kismayo-4 farmaajo-booqday-cidanka-kismayo-3 farmaajo-booqday-cidanka-kismayo-2 farmaajo-booqday-cidanka-kismayo-1

.

.

.

__________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *