Faah Faahino dheeraad ah oo laga helayo daagaal beeledyo ka dhacay bartamah Soomaaliya

Muqdisho  | QOL | June 12, 2017—— Shalay gelinkii dambe waxaa dagaal adag uu xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo socday mudo saacado ah.

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahlusuna C/laahi Maxamed Bari ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas oo dadkii ku dhaawacmay maanta la geeyay isbitaalka magaalada Guriceel.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa waxaa ku dhaawacantay 6 Qof oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana dhaawacyada loo kala qaaday Guriceel iyo Maxaas oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Hiiraan.

Waxgaradka labada gobol ayaa waxa ay wadaan dadaalo lagu heshiisiinayo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay, si aysan mar dambe u dagaalamin.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI</strong>

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | MuqdishO 

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *