Madxweyne Gaas oo la kulmay Wasiiradii kalsoonida lagala noqday

Garoowe  | QOL | 19  Luulyo 2017 – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta la kulmay Golihii wasiirada Puntland ee xasaanada laga qaaday.

Kulanka uu Madaxweyne Gaas la qaatay Wasiirada wuxuu ahaa mid laga soo horumariyey kii todobaadlaha ahaa ee caadiga, Khamiis kastana la qaban jiray.

Madaxtooyada Puntland kulankaasi wax war-murtiyeed ah kama aysan soo saarin, balse wararka la helayo waxa ay sheegayaan in looga hadlay waxa dhacay iyo tillaabada xigta.

Golha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa shalay la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 
_____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *