Dhagayso:- Gudoomiye Jawaari oo Muqdisho dib ugu Soonoqday

Muqdisho | QOL | 16 August 2017 – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,  waxaana garoonka daiyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishoa ku soo dhoweeyay Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka iyo howlwadeennada golaha shacabka.

Dhagayso

 Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo xafiiskiisa kula hadlay Raedi Muqdisho  ayaa sheegay in shirkii gudoomiyayaasha Baarlamaanada dalalka Afrika oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Dalka Koonfur Afrika uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Gudoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in sidoo kale uu ka qeyb galay kulan gaar ah oo ay wada yeesheen gudoomiyaasha baarlamaanada waddamada Geeska Afirka oo ku saabsanaa sidii iskaashi u dhex mari lahaa baarlamaannada dalalkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah gudoomiyayaasha baarlamaannada dalal dhowr oo ay ka mid yihiin Kenya , Uganda, Suudaan iyo Rwanda.

Shirka Gudoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika oo ah shir sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa siyaasadda guud ee sharci dejinta dalalka Afrika iyo arrimaha horumarinta .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *