Sawiro:- Turkiga oo ku dhawaaqay in howlgalka uu ku tabarayo ciidanka Somaliya uu billowday

Muqdisho | QOL |  23  August 2017 — Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay 200 Askari oo horudhac u ah Ciidamo Turki ah oo tababari doona Ciidamada Soomaaliya.

War ka soo baxay Ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in Howlgalka Turkiga ee tababaridda Ciidamada Soomaaliya uu shalay billowday.

Diyaarad wadday Ciidamada ka socda Dalka Turkiga ayaa ka soo degay Magaalada Muqdisho, waxaana sawirro laga qaaday ay muujinayaan Ciidamo badan oo Turki ah kana soo degay Garoonka Aadan Cadde kuwaas oo ay keentay Diyaaradda Turkish Airlines .

Cemal Cevap oo  ah Cilmi bare ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Turkiga howlgalkeeda Soomaaliya ee lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya uu shalay  billowday.

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in la furo Bisha September ee soo socota, waxaana la filayaa in lagu tababaro 10,000 oo Askar Soomaali ah.

Saldhiggan waxaa dhismihisa ku baxday $50 milyan oo Doollarka Mareykanka ah, waxaana ay bedkiisa uu la egyahay 400M, kaas oo markiiba ay ka qalin jebin karaan 1,500 Askari.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in xarig ka jarka Saldhigga Turkiga ka dhisay Muqdisho uu dhacayo Bisha soo socota.

t1 t2

11111

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *