AKHRISO:- Guddiga doorashada Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

Muqdisho | QOL |  29 Agoosto 2017 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa magacaabay Guddiga doorashada madaxtnimo ee Maamulka  Hirshabeelle.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in uu la tashiyo kula sameeyay Guddoomiye ku xigeennada sidoo kalena arkay soo jeedinta Golaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Guddigan oo ka kooban 9;xubnood ayaa waxaa ay dhamaantood ka koobanyihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle,kumana jiraan Haween.

Wareegtadan ayaa Guddiga doorashada Hirshabeelle lagu faray in ay shaqadaas u qabtaan sida loo amray iyaga oo raacaya xeer hoosaadka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

eeeeeeee

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *