Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka oo kulan ku leh Muqdisho

Muqdisho | QOL | September  6, 2017 — Shir looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda Soomaaliya oo u dhexeeya madax ka socota Bankiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka furmay Muqdisho.

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Bankiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Bankiga aduunka uu ku leeyahay.

WWSSSS4442444

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *