Ciidamada Xasilinta ee Baladweyne ku sugan oo bilaabay howlgalo lagu baarayo Dad dil geystay.

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 – Max’ed Jimcaale Xalane Go’saar Taliyaha Ciidamada Xalisinta Gobolka Hiiraan ooQaranimo online  la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan Kooxo qaab qabiil u abaabulnaa oo Magaalada Balad weyne ku dilay Qof shacab ahaa.

Taliye Max’ed ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta ee Balad weyne ka howl gala ay wadaan Howlgal ay ku wehliyaan Odoyaal iyo Maleeshiyaad ay kasoo kala jeedaan Ninka dilka loo geystay iyo Kooxaha dilka u geystay.

Waxa uu ka digay in falkaan loo rogo mid Xiisado ka kiciya Magaalada Balad weyne, wuxuuna rajo ka muujiyey in ay gacanta kusoo dhigayaan kooxihii Dilka Geystay.

Taliyaha ayaaQaranimo online  weydiisay waxa uu ahaa shaqsigii dilka loo geystay wuxuuna ku warceliyey: “Waxaa jira warar sheegaya in uu ka tirsanaa qofka la dilay Al-Shabaab, Balse waa warar lagu baneesanayo Dilkiisa, Ciidamada waxay wadaan Howlgalo lagu soo qabanayo kooxihii dilka geystay” ayuu yiri.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri: “Hadii uu Al-Shabaab ahaa iyo hadii uusan aheyn, waxaa cadeyntaa laga sugayaa Garsoorka, Hadii uu Al-Shabaab ahaa oo ay dileen maxeey u baxsadeen, Markii lasoo qabto ayee wax waliba kala cadaanayaan” Ayuu Yiri.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *