Qoysaskii daganaa Villa Somalia oo maanta isaga guuray

Muqdisho | QOL | September 18, 2017 – Qoysaskii daganaa Gudaha Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa Maanta gebi ahaanba isaga guuray halkaas kadib markii dhawaan uu amar ku bixiyey Agaasimaha guud ee madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Ilaa 40 qoys ayaa Madaxtooyada isaga guuray maanta kadib markii ay u dhamaatay waqtigii loo qabtay iyo waqtigii kale ee dhawaan loogu kordhiyey.

Qoysaskaan ayaa isugu jiray kuwa kasoo Jeedo Xildhibaano, Wasiiro, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo ganacsato.

Guryaha qaar oo ay dadkaas daganayeen ayaa la sheegay inay xildhibaanada iyo Wasiirada qaar ay kiro ka qaadan jireyn.

Guryahaan laga raray qoysaskaan ayaa la sheegay inay ku shaqeyn doonaan agaasimaayaasha Madaxtooyada iyo la taliyayaasha Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha halkii markii hore aysan heysan meel ay ku shaqeystaan.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa u sheegay dhammaan qoysaska daganaa madaxtooyada inay halkaas isaga guuraan, maadaama ay xarunta tahay middii ay dowladda ugu shaqeyn laheyd shacabka.

Tallaabada ay dowladda qaaday ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, maadaama ay dowladihii hore ku guul dareysteen inay madaxtooyada ka dhigaan meel shacabka loogu adeego.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *