SAWIRO:-Culumada Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Xasuuqa Lagu Hayo Muslimiinta Burma

Muqdisho | QOL | September 20, 2017  –Kulankan  Golaha Guud ee Culima’udiinka Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay  ku Cambaareeyeen falalka xasuuqa ah ee lagu hayo Muslimiinta  Rohinga ee  wadanka Burma, kuwaasi oo loo geysanayo Xadgudubyo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha.

Kulanka ayaa waxaa ka  qeyb galay  Macalimiinta Dugsiyada qur’aanka kariimka ee gobolka Banaadir, Culimaa’udiin iyo Aqoonyahanno, waxaana diiradda  lagu saaray dhibaatooyinka  lagu  Xasuuqayo  Muslimiinta Burma.

Qaar ka mid ah Culimaa’udiinkii ka hadlay goobta ayaa si kulul u cambaareeyay shacabka iyo dowladda Burma , dhibaatooyinka  xasuuqa  ah ay ku hayaan  Muslimiinta  ku  nool  wadankaasi.

Madaxa Xiriirka Guud ee Golaha Cullimada  Soomaaliyeed Shiikh Cumar Cali Rooble  oo ka hadlay goobta ayaa wax laga xumaado ku timaamay  dhibaatooyinkaasi lagula kacayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.

Ku simaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Sayid Abaa Cali ayaa ugu baaqay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta  in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Muslimiinta la xasuuqayo.

Muddooyinkan ayaa waxaa isa soo tarayay Xasuuqa iyo Dilalka lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.

HHHHEEEE

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *