Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo ka hadalay khilaafka maamul gobaleedyada iyo dowlada dhexe

Muqdisho | QOL | September 26, 2017 — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Khilaafkan, ayaa soo shaacbaxay markii Maamulada Puntland, Galmudug & Koonfur Galbeed, ay ka horyimaadeen mowqifkii dhexdhexaadnimada, ee ay Dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisadda u dhaxeyso xulufada Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ka gadaal markii uu soo afjaray booqasho uu ku joogay Gobolka Gedo, ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay in wada-tashi iyo is afgarad lagu dhameeyo, hadba wixii taagan.

Madaxweynaha, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay gogol dhigaan Magaalada Kismaayo, taa oo ay marka hore isugu imaanayaan Maamul Goboleedyada, si ay uga wada tashadaan doorka uu dastuurka dalka u ogolyahay iyo midka ay Dowladda Dhexe leedahay, ka dibna ay hortaggaan Madaxda Qaranka, si ay u saxaan wixii khaldan ee jira.

..

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *