Qarax lala eegtay ciidamada AMISOM

[adrotate group=”1″]

Afgooye | QOL | Agoosto 18, 2015 – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM, qarax Miino lagula eegtay degmadaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Boodboodka.

Qaraxaan ayaa ah sida la sheegay Miino nooca dhulka lagu aasay, waxaana la tilmaamay in ay haleeshay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo halkaasi marayay.

Khasaaraha goobta ka dhashay weli lama sheegin, balse ciidamo kale oo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo AMISOM ayaa halka ay wax ka dhaceen gaaray, iyaga oo xiray wadadii ay wax ka dhaceen, waxaana hakad ku jira isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee Muqdisho iyo Afgooye.

 

___________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *