Sawiro:-Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Uu Hogaaminanyo Oo goor-dhaw soo Gaaray Muqdisho

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf”iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxa uuna ka qeyb galayaa Shirka u dhaxeeya Madaxda Qaranka iyo Kuwa maamul Gobaleedyada.

Madaxweyne Xaaf ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo Galbiyay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Xubno kale oo Dowladda dhexe iyo Kuwa maamul Gobaleedyada oo ka qeyb galaya Shirka Khilaafka Dastuuriga ah ee Dalka.

Sidoo kale waxaa hada la sugayaa Xubno kale oo ka tirsan madaxda Maamul Gobaleedyada sida Jubbaland iyo Puntland.

L1 L2 L3 L4

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *