Ciidanka K/Suudaan oo dhacay agab ay lahayd Qaramada Midoobey

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 — Ciidamo ay leedahay Dowladda Koofurta Suudaan islamarkaana aad u hubeysan ayaa dhacay alaab waxbarasho oo ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan waxbarashada ee UNICEF.

Ciidanka ayaa xoog ku galay Xarumo ay Hay’adda ku lahayd Dalkass,waxaana ay dhabarka ku qaateen Agabkii waxbarashada ee ay ugu talagashay Carruurta ku nool dalka ay colaadaha la degeen ee Koofurta Suudaan.

xxxxa

Afhayeenad u hadashay UNICEF oo lagu magacaabo Sara Crowe,ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin falka ay ku kaceen Ciidamada dowladda ee ay ku qaateen alaabtii waxbarashada Carruurta Dalkaas.

Boorsooyinka ay Ciidanka qaateen waxaa ku jiray Buugaagta yar yar ee UNICEF wax ku barto Carruurta tabaaleysan,Qalimaan iyo agabyo kale oo dhinaca waxbarashada aha.

Sara Crowe,ayaa sheegtay in falkan oo kale uu niyad jab ku yahay shaqaalahooda iyo bani’adamnida waxaana ay dhinacyada isku haya koofurta Suudaan ka codsatay in ay ixtiraamaan Hay’adaha samafalka iyo Dadka rayidka ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *