Baxreyn oo dalbatay in Qadar laga saaro Golaha Iskaashiga Khaliijka

Muqdisho | QOL | 30  Oktoobar 2017 — Dowladda Baxreyn ayaa dalbatay in dalka Qadar laga saaro xubinnimida Ururka Iskaashiga Khaliijka Carabta ee GCC loo soo gaabiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Baxreyn Khaalid bin Axmed Al-Khaliifa ayaa Twitterkiisa ku sheegay in Dowladda Baxreyn aysan ka qeyb geleyn shirka Golaha iskaashiga Khaliijka Carabta ee ka dhacaya Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn ayaa sheegaya in Qadar haddii aysan is ka beddelin mowqifkeeda hadda aysan Baxreyn ka qeybqaadan doonin shirka Golaha ee ka dhacaya Qaahira.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta ay xubinnimada kala laabtaan Qadar,haddii kalena aysan Baxreyn tageyn shirka soo socda.

Waddamada Sucuudiga,Imaaraadka,Baxreyn iyo Masar ayaa 5tii June xiriirka u jaray Dalka Qadar kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto Argagixisada,sidoo kalena xiriir dhow la leedahay Dalka Iraan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *