Gaari Qarax Loogu Shakiyey Oo Muqdisho Saakay Lagu arkay

Muqdisho   | QOL | November 04, 2017 —Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray Isgoyska Xamar Jajab ee Muqdisho ka dib markii lagu arkay gaari Caasi ah oo looga shakiyay in uu sido waxyaabaha Qarxa.

Guud ahaan Isgoyska ayaa waxaa la wareegay ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, waxaana loo diiday in ay maraan dadka iyo Gaadiidka.

Saraakiisha Ammaanka waxa ay xaqiijiyeen in gaarigaasi laga shakiyay, islamarkaana ay baaris ku sameyn doonaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa ka jiray Shaki ku aadan baabuurta la dhigto Wadooyinka iyo sidoo kale goobaha ganacsiga hortooda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  |Muqdisho  

_______________________________ ________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *