Caqabdii Ugu Wayneed Oo Ka Taagan Isticmaalka Lacagaha Shilinka Soomaaliga

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ay dhibaato badan ka taagan tahay isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qeybo badan oo ka mid ah uu ka taagan jahwareer ka dhashay Isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga.

Waxuu sheegay in loo bahan yahay in la sameeyo  siyaasad guud oo lagu fadhiisinaayo dib u dhiska dhaqaalaha Soomaaliya iyo hormarinta lacagta Shiling Soomaaliga.

Ganacsatadda gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in ay qaataan lacagta Shilinka Soomaaliga.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baledweyne laga diiday qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *