Dood ku saabsan Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 oo ka socota Muqdisho

Muqdisho | QOL | Disembar 2, 2017 –  Kulan dood dadweyne oo looga hadlayo Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa xilligan ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo doodan si toos looga daawanayo Telefishinka Qaranka ee SNTV

Kulankan ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Guddiga Maaliyadda ee Golsha shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lagu soo bandhigayaa arrimaha la xiriira miisaaniyadda sanadka 2018.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay miisaaniyadda sanadka 2018 iyo hababka lagu saleeyay iyo meelaha loo qondeeyay miisaaniyada.

Dadweynaha ka qeyb galaya dooda ayaa fursad loo siin doonaa inay ku ogaadaan canshuurta dadweynaha iyo meelaha ay dowladdu u qoondeysay, waxaana hadafka ugu weyn uu yahay sidii ay aragtidooda ugu gudbin lahaayeen miisaaniyadda ka hor inta aanu Baarlamaanka ansixin.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaaraysa lacag dhan,  labo boqol todobaatan iyo afar Millyen oo Dollar,lix boqol iyo 30 kun,boqol sagaashan iyo 1(US$ 274,630,191) oo loogu talagalay in lagu qabto guud ahaan howlaha dalka.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *