Shir Looga Hadlayo Amniga Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Muqdisho | QOL | December 3 2017 – Sida uu qorshaya yahay, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono amniga guud ee Qaranka.

Shirkan waxaa yeelanaya golaha amniga qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamd C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana looga hadli doonaa dardargelinta howlaha amniga guud ee Soomaaliya.

November 5, 2017 shirkii magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday golaha amniga ayaa la isku raacay in maanta oo ah 03 – December – 2017 magaalada Muqdisho lagu qabto shirkan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona shirkaan, iyadoo qaarkood ay magaalada Muqdisho soo gaareen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *