Maxkamadda Sare ee Mareykanka Oo Ansixisay Mamnuucistii Trump Ee 6 dal

Muqdisho | QOL | Disembar 05, 2017 –Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in sharci uu yahay go’aankii xayiraadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump uu saaray wadamo dhowr ah.

Go’aanka ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maxkamadaha hoose ee Gobolada qaarkood ay ka soo horjeesteen amarka xayiraadda ee Madaxweyne Trump, amarkan ayaa saameynaya dalalka ay ka imaanayaan dadka oo ku dhawaad Sideed dal ah.

Dalalkan oo Lix ka mid ah ay yihiin muslimiin ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela.

Maxkamadaha Gobollada Mareykanka ayaa dhowr jeer hor istaagay amarka Trump oo qasab ku noqotay in uu isbeddel badan ku sameeyo.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa go’aanada Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah ajandayaasha foosha xun ee kooxaha caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *