Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho | QOL | December 10, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii magaalada Sharma Sheekh uga qeyb galay shir looga hadlayay Ganacsiga Qaaradda Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa labo cisho ku sugnaa dalka Masar, waxaana safarkiisa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Senator iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa madaxdii shirka ka qeyb gashay la wadaagay kheyraadka ay hodanka ku tahay Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ee Afrika.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa ka soo haray wafdiga Madaxweynaha, waxaa uu gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, halkaasoo uu uga qeyb galay shirka Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *